Isbeddelka ay Soomaalida ka doonayaan Soomaaliya, xaggee tahay in laga raadiyo?
Isbeddelka ay Soomaalida ka doonayaan Soomaaliya, xaggee tahay in laga raadiyo?
Homepage   /    sports   /    Isbeddelka ay Soomaalida ka doonayaan Soomaaliya, xaggee tahay in laga raadiyo?

Isbeddelka ay Soomaalida ka doonayaan Soomaaliya, xaggee tahay in laga raadiyo?

🕒︎ 2025-10-22

Copyright hiiraan

Isbeddelka ay Soomaalida ka doonayaan Soomaaliya, xaggee tahay in laga raadiyo?

Hiiraan Online Today from Hiiraan Online: Somali Music Isbeddelka ay Soomaalida ka doonayaan Soomaaliya, xaggee tahay in laga raadiyo? FacebookFacebook messengerTwitterWhatsAppLinkedInTelegramEmail By Iman Jama Wednesday October 22, 2025 Tan iyo burburkii dawladnimadii dhexe, Soomaaliya waxay ku jirtay wareeg siyaasadeed, dhibaatadu ma aha in hoggaamiyeyaashu is beddelin ee waa in maskaxda siyaasadeed ee dalka aan la beddelin fikirkeeda, taasoo ka dhigtay in muddo xileed kasta qofka yimaada uu ku soo laabto isla meeshii uu kii hore ku dhacay, waxaana la gaaray meel u baahan in si dhab ah la isku weydiiso ; maxaa ina haysta? maxaase inoo diiday in aynu hore u socona? Dal kasta oo dunidan ku yaalla wuxuu leeyahay tiir uu ku dhisan yahay, kaasoo ah dastuur, ciidan, garsoor, dhaqaale, iyo nidaam awood kala saaran. Soomaaliyase maanta midna si buuxda uguma shaqeeyo. Ciidan aan haysan awood dhuleed, garsoor aan madax bannaanayn, baarlamaan aan lahayn miisaan siyaasadeed, iyo madaxda fulinta oo ku fakaraya sidii ay maalin u sii joogaan, tana waxay ka dhalatay hoggaamiyeyaasha oo aan aaminsanayn qorshe qaran ee kaliya ku dhisa hab fikirkooda dan siyaasadeed. Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu maanta u shaqeeyaa sidii nin ka ganacsada kursiga uu ku fadhiyo, ee maaha nin dhisaya hay’ad ama qaran. Taasina waa sababta ay dalal shisheeye awood ugu yeesheen inay si fudud u dhexgalaan arrimaha gudaha,maadaama aysan jirin fikrad qaran oo mid ah oo la difaacayo. Siyaasi kasta wuxuu ka baqayaa in haddii uu ka kaco kursiga uu lumiyo nolol, awood iyo magac, waana sababta ay siyaasadda dalka u shaqeyso mid difaac ah, balse aan lahayn hal-abuur wax beddela. Hoggaamiye kastaa wuxuu doonayaa inuu sii jiro, ma doonayo inuu taariikh ka tago. Haddii aan maanta si dhab ah u eego xaaladda, Soomaaliya waxay u egtahay dal 40 sano isku dayaya inuu bilaabo noloshiisa, balse aan wali ka gudbin marxaladdii tijaabada. Waxaa la rabaa in la doorto madaxweyne, balse ma jiro nidaam awoodda kala saara, dastuur la dhammeystiray, garsoor lagu kalsoon yahay, iyo dhaqaale lagu maamulo qorshe cad. Doorashooyinka ayaa la qabtaa, balse ma keenaan natiijo qaran, waxayna isu beddelaan dhacdooyin kumeel-gaar ah oo qof walba ka raadsado dan gaar ah. Waxa ugu weyn ee ka maqan hoggaamiyeyaasha waa hal-abuur siyaasadeed. Hal-abuurnimadu waa awoodda aad ku aragto halka ay ummadda taagan tahay iyo jidka ay u mari karto si ay u gaarto horumar. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ma dhammeystiraan qorshe qaran, ma ka mira dhaliyaan fikir istiraatiiji ah, diiradana ma saaraan qorshe muddo fog ah. Waxay la mid yihiin markab ku wareegaya bad aan jiho lahayn. Tusaale ahaan, marka la eego dalal sida Indonesia ama Georgia, horumarkooda siyaasadeed laguma gaarin doorashooyin iyo magacyo isku beddelay kuraasta, balse waxaa ka horreeyay dhisidda hay’addo adag, garsoor madax bannaan, iyo nidaam dhaqaale lagu kalsoon yahay. Dalalkaas waxay garteen in doorasho lagu kalsoonaan karo aysan iman doonin ilaa ay hay’adaha dawladnimada dhisaan. Taasina waa waxa Soomaaliya u baahan tahay maanta, dawladnimo la dhiso, ka hor inta aan la tirin cod. Dal aan hay’adihiisu madax bannaanayn, shacabka aan ku kalsoonayn caddaaladda, iyo nidaam aan dejin xeerar la wada oggol yahay,xalku ma aha in doorasho kaliya diiradda la saaro , haddii aan doonayno isbeddel wax dhaqaajiya waa in marka hore la dhisaa garsoorka, la dhammeystiraa dastuurka, la abuuraa hay’ado madax bannaan oo awood u leh inay xukumaan cid kasta, lana dhisaa kalsoonida shacabka ee nidaamka. Taariikhdu waxay na tusaysaa in dalal la mid ahaa Soomaaliya aysan doorashooyin ku gaarin horumar, balse ay dhiseen nidaam. Georgia waxay burburisay nidaamkii musuqmaasuqa ka hor inta aysan qaban doorasho xor ah. Indonesia waxay dhistay maxkamado gaar ah iyo hay’ad la-dagaallanta musuqmaasuqa si ay u jebiso nidaamka aan isbeddel dhalin. Rwanda waxay mudnaanta siisay amni iyo maamulka adag ka hor tartan furan. Soomaaliya maanta waxay maraysaa meel u baahan run adag, ma aha hadal macaan. Dal aan haysan ciidan isku filan, dhaqaale joogto ah, garsoor lagu kalsoon yahay iyo dastuur la wada oggol yahay, waa inuu daacad ka noqdaa in doorashooyin joogto ah aysan xal noqon. Wax kasta oo kale waa in ka horeeya dhisidda hay’adaha dawladnimo iyo hagaajinta maskaxda shacabka. Qabiilka iyo danta gaarka ah ayaa noqday aalad lagu kala qaybiyo bulshada, halka danaha qaranka ay noqdeen erayo aan ficil la socon. Si taasi u dhammaato, waxaa loo baahan yahay in la beddelo fikirka shacabka in lagu hoggaamiyo dan wadaniyadeed, la baro qiimaha nidaamka, lana abuuro dad fahamsan farqiga u dhexeeya qabiil iyo qaran. Marka shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan in dal lagu dhiso garsoor, nidaam iyo aqoon, ma ahan in lagu dhiso qabiil iyo kursi, markaas ayay heli doonaan xornimo dhab ah. Doorasho kasta oo ka dhacda dal aan nidaam lahayn waa filim hore oo dib loo daawanayo. Laakiin marka la dhiso dawladnimo dhab ah, hal cod ayaa noqon kara beddelka taariikhda. Soomaaliya ma u baahan tahay doorasho cusub? Aragtidayda waxay u baahan tahay nidaam cusub, maskax cusub, iyo hoggaamiyayaal leh hal-abuur ku dhisan qarannimo. Markaas ayaa codka shacabka macno yeelanaya, dalkuna uu ka bixi doonaa xariiqda wareegga ee uu ku xayiran yahay tan iyo 1991. Dalkeennu wuxuu leeyahay fursad uu dib ugu dhasho, balse kaliya haddii ay maskaxda dadka iyo madaxdu is beddelaan. Isbeddelka dhabta ahi ma yimaado marka kursi la beddelo, ee wuxuu yimaadaa marka fikir la beddelo. Markaas ayaa Soomaaliya laga badbaadin karaa xariiqda ay tobannaan sanno ku wareegaysay markaasna laga dhisi karaa qaran leh sharaf, awood iyo jiho. Opinion| Privacy Policy|Sports|Somali Music|Somali Map All Rights Reserved Copyright. © 1999-2025, www.hiiraan.com

Guess You Like