Business

Terminalka Labaad ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la furayo

By News Desk

Copyright oodweynemedia

Terminalka Labaad ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la furayo

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Fuaad Axmed Nuux ayaa maanta kormeeray Dhismaha Terminal-ka 2aad ee Madaarka Caasimada ee Egal International Airport oo la filayo inuu dhawaan shaqada bilaabo.

Dhismaha Terminal-ka labaad ayaa ka kooban Qaybta Rakaabka soo dagistu maraan, Qaybta Martida (Business Class Lounge) iyo Qaybta Madaxda Dowladda (VIP Lounge).

Dhismahan ayaa qayb ka ahaa qorshaha wajiga koowaad ee Horumarinta Madaarka Hargeysa, iyada oo gacanta lagu hayo oo dhawaan la dhammaystiri doono Qorshaha wayn ee dhismaha iyo casriyaynta dhammaan Kaabayaasha Madaarka (Hargeisa Airport Modernization and Development Project)