Copyright hiiraan

Hiiraan Online Today from Hiiraan Online: Somali Music SHAQO LA’AANTA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED IYO SHAQAALEYSIINTA AJAANIBTA: CADDAALAD-DARRO QARAN IYO KHATAR MUSTAQBALEED FacebookFacebook messengerTwitterWhatsAppLinkedInTelegramEmail By Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo) Tuesday October 28, 2025 Shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed waa mid ka mid ah mushkiladaha ugu waaweyn ee hortaagan horumarka dalka. Iyadoo boqolkiiba ka badan 70% bulshada ay yihiin dhallinyaro, haddana in ka badan kala bar ma haystaan shaqo joogto ah. Kuwaas oo intooda badan ay ku khasbanaadeen inay ka tahriibaan dalka, iyagoo rajaynaya nolol iyo fursad ay dalkooda ka waayeen. Dhanka kale, gudaha Soomaaliya waxaa si joogto ah u shaqeeya hay’ado caalami ah iyo mashaariic horumarineed, kuwaas oo shaqaalaha muhiimka ah ka dhigtay ajaaniib mushaharkoodu gaarayo tobannaan kun oo dollar bishii, halka dhalinyaradii Soomaaliyeed lagu eedeynayo “khibrad la’aan.” Tani waa dhibaato dhaqan, mid siyaasadeed, mid sharciyeed iyo mid qaran oo u baahan in si dhab ah loo wajaho, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida shaqo ee qaranka Soomaaliyeed. SABABAHA AASAASKA U AH SHAQO LA'AANTA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED: Sababaha ugu waaweyn ee dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo la’aanta ugu dhacday waxaa ka mid ah: • Nidaam siyaasadeed oo aan ku dhisnayn qorshe dhaqaale oo waara. • Maqnaanta warshado iyo maalgashi gudaha ah. • Kalsooni la’aanta hay’adaha dowladda iyo musuqmaasuqa. • Ku tiirsanaanta mashaariic shisheeye. • Fursadaha shaqo ee yaraa oo si aan cadaalad ahayn loo qaybiyo. Natiijada ka dhalatay waxay noqotay in dhallinyaradii Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo rajadoodii ku iibiyay badda iyo saxaraha, halka ajnabi ku sugan Muqdisho uu ku raaxaysto mushaar ka badan $10,000 bishii. SHAQAALEYSIINTA AJAANIBTA IYO JEBINTA XEERKA SHAQAALAHA SOOMAALIYEED: Xeerka Shaqaalaha Soomaaliyeed (Labour Code – Law No. 65, 1972) wuxuu si cad u qeexayaa dhowr qodob oo muhiim ah: • Qodobka 4-aad: Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin xuquuq siman, mana jiri karto eex ama kala duwanaansho ku saleysan jinsiyad ama asal. • Qodobka 5-aad: Hay’ad kasta oo dalka ka shaqeysa waa in ay mudnaanta siisaa shaqaalaha Soomaaliyeed marka uu jiro qof Soomaali ah oo qaban kara shaqadaas. • Qodobka 6-aad: Shaqaale ajaanib ah looma oggola in uu qabto shaqo uu qaban karo muwaadin Soomaaliyeed, haddii aanay jirin xirfad gaar ah oo dalka laga waayo. Marka la eego xeerkan, waxaa muuqata in hay’ado badan oo caalami ah iyo mashaariic gudaha dalka ka socda ay si toos ah u jebinayaan sharciga shaqaalaha Soomaaliyeed. Waxayna tan ku sameeyaan iyadoo aanay jirin cid kormeerta, oggolaansho lagula xisaabtamo, ama dabagal ay sameyso wasaaradihii u xil saarnaa ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, oo ay ugu horeeyaan Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Qorsheynta iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda. AAMUSNAANTA MASUULIYIINTA QARANKA IYO SAAMEYNTA SIYAASADEED: Marka hay’ad caalami ah ay shaqaaleysiiso ajaanib mushahar xad-dhaaf ah, iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo la’aan yihiin, waa arrin ay tahay in dowladdu ka falceliso. Balse waxa dhacaya waa aamusnaan siyaasadeed iyo ka leex-leexasho masuuliyadeed. Masuuliyiinta dowladdu waxay mararka qaar doorbidaan in ay iska indho-tiraan arrintan, iyagoo ka cabsanaya in xiriirkooda dibadeed uu dhaawacmo ama dan gaar ah laga luminayo. Tani waxay sababtay in dawladdii ay noqoto daawade, halkii ay ahaan lahayd ilaaliye xuquuqda muwaadiniinta. Natiijada siyaasadeed ee ka dhalata aamusnaantan waa kalsooni darro bulsho, dhiirrigelin tahriib, iyo hoos u dhac ku yimaada fikirka qarannimo jaceylka ee dhalinyarada. SAAMEYNTA BULSHO IYO DHAQAALE: Shaqo la’aanta iyo shaqaaleysiinta ajaanibta waxay sababeen arrimahaan hoose: • Kalsooni beel: Dhallinyaradu waxay dareemayaan in ay dalkoodu dayacay, taasoo keentay niyad jab guud. • Tahriib iyo dhimasho: Dhalinyarada ayaa u arka badda “fursad” halkii ay ka ahaan lahayd “halis.” Dhallinyaro ayaa igu dhahday aniga Mohamed ah “Inta aan Soomaaliya joogi lahaa, badda ayaan ku dhimanayaa” sow Xanuun maaha! • Khasaaraha dhaqaale: Lacagaha ay hay’aduhu bixiyaan oo dhan kama faa’iido qaranku, maadaama inta badan dibadda loo wareejiyo oo ay dalalkoodii u dirsanayaan. • Dhimashada xirfadda gudaha: Ajaanibta ayaa qabsaday jagooyinkii muhiimka ahaa ee xirfadlayaasha Soomaaliyeed. TALO QARAN IYO BAAQ Haddii aan la joojin nidaamka hadda jira, Soomaaliya waxay lumin doontaa jiilkii shaqayn lahaa, hal-abuurnimo iyo hufnaan. Waxaa muhiim ah in la qaado tallaabooyin cad-cad oo siyaasadeed iyo sharci ah oo ay ugu horeeyaan: 1. Dib-u-eegis lagu sameeyo shaqaaleysiinta ajaanibta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha waa in ay si joogto ah u kormeerto cidda la shaqaaleysiinayo, iyadoo lagu saleynayo baahi dhab ah iyo khibrad aan dalka laga helin. 2. Mudnaanta shaqaalaha Soomaaliyeed Hay’ad kasta oo dalka ka shaqeysa waa in ay caddeyso in aysan jirin Soomaali qaban karta shaqadaas, ka hor inta aysan ajaanib shaqaaleysiin. 3. Dhiirrigelinta barnaamijyada xirfadaha dhallinyarada Dowladdu waa in ay maalgelisaa barnaamijyo tababar xirfadeed, internship-yo iyo shaqo-abuur gudaha ah. 4. Dardargelinta xisaabtan iyo daahfurnaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha dowladda ee arrintaani si toos ah iyo si dadbanba u quseyso waa in ay daabacaan warbixino sannadle ah oo ku saabsan shaqaaleysiinta ajaanibta iyo tirada shaqaalaha Soomaaliyeed ee la shaqaaleysiiyay. 5. Kobcinta ganacsiga gudaha iyo maalgashiga dhalinyarada Dhallinyarada waa in la dhiirrigeliyo in ay abuuraan ganacsi yaryar, iyadoo la siinayo deeqo, tababar iyo suuq-galinta badeecadooda. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay in ay ka baxdo heerka ah “dal shaqo la’aan ah oo shisheeye u shaqeeyo.” Dowladnimo micnaheedu waa in muwaadinka la ilaaliyo, la dhiirrigeliyo, lana siiyo fursad uu dalkiisa ku dhiso – ma ahan in la daawado isagoo ku dhimanaya badda, halka ajaanib lagu maamuusayo xafiisyada Muqdisho.Horumarka dhabta ah wuxuu yimaadaa marka qaranku aaminaa dhalinyaradiisa, u dhiibo mas’uuliyad, isla markaana ilaaliyo xuquuqdooda shaqo. Haddaba, su’aasha weyn waxay tahay: Ma xaqbaa in ajaanib lagu shaqaaleysiiyo mushahar xad-dhaaf ah, iyadoo dhalinyaradii Soomaaliyeed shaqo la’aan darteed u tahriibayaan badda Mediterranean-ka⁉️ Waa waqtigii aynu cod mideysan ku dhihi lahayn: “Shaqada Soomaaliyeed ha u furnaato, mudnaanta kowaadna ha helaan dhallinta Soomaaliyeed!” Dhallinyaro aan fursad haysan waa qaran aan mustaqbal lahayn. “Hadda ama Hadhow”~Idanka Illaaheey. Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo) [email protected] Opinion| Privacy Policy|Sports|Somali Music|Somali Map All Rights Reserved Copyright. © 1999-2025, www.hiiraan.com