Copyright hiiraan

Hiiraan Online Today from Hiiraan Online: Somali Music advertisements Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir? FacebookFacebook messengerTwitterWhatsAppLinkedInTelegramEmail Monday October 27, 2025 By Mohamed Mukhtar Ibrahim Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa-dhacaysay sidii loo heli lahaa maamul lagu mideysan yahay oo u adeega si mas’uuliyad leh. Hase yeeshee, marka si dhab ah loo eego qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo tirada xilalka ee heer qaran iyo heer dowlad-goboleed, waxaa soo baxaya su’aal muhiim ah: ma u baahan nahay tiro intaan le’eg, mise waa culays dhaqaale iyo mid maamul oo aan dalka qaadi karin? Marka la isku daro dhammaan heerarka dowladnimo ee dalka, Soomaaliya waxay leedahay 8 Madaxweyne (oo ay ku jirto Somaliland), 6 Madaxweyne Ku Xigeen, 1 Ra’iisul Wasaare, iyo 2 Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen. Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) oo isugu jira federaalka, Somaliland iyo dowlad Goboleedyada waa 863 xubnood, halka Aqalka Sare uu ka yahay 136 (isugu jira Guurtida iyo Senate). Intaas waxaa dheer 454 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada heer qaran iyo heer dowlad-goboleed — kuwaas oo kala ah wasiirro, wasiir ku xigeenno, iyo wasiirro dowlayaal. Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) Tirada Xildhibaanadda Hirshabelle Federal Government Wadarta Guud Guurtida iyo Aqalka Sare (Senate) Tirada Xubnaha Aqalka Sare Wadarta Guud Golaha Wasiiradda Wasiir Ku Xigeen Wasiir Dowle Dowladda Federaalka Hirshabelle Northeastern State Wadarta Guud Madaxweyne Madaxweyne Ku Xigeen Ra’iisul Wasaare Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Northeastern Hirshabelle Qoraalkaan waxaan ugu talagalay in tirada iyada hadasho balse aan raacin sharaxaad badan. Si kasto ha ahaatee, marka la fiiriyo tirada wakiillada iyo wasiirrada, waxaa muuqata in nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya inuu noqday mid ballaaran oo qaab dhismeedkiisu culays dhaqaale iyo mid maamul ku yahay shacabka Soomaaliyeed. Somaliland waxay sheegatay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadda marka laga reebo Somaliland, waxay asbuucaan dib u fiirinayaa shirkii Carte 2000, dowladdii lagu soo dhisay iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa muhiim ah in la sameeyo dib-u-eegis qaran oo ku saabsan dowladnimadeena iyo hay’adaha dowladeed. Ugu dambayn, Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad tiro yar balse tayo leh — mid diiradda saarta adeegga shacabka halkii ay ka noqon lahayd goob shaqo abuuris siyaasadeed. Sidoo kale dowladda waa inay yeelato qaab maamul la jaanqaadaya awoodda dhaqaale ee dalka balse aan ku tiirsanayn macaawino. Waa waqtigii la is weydiin lahaa: masameynsan karnaa dowlad aan bixin karno? Mohamed Mukhtar Ibrahim / [email protected] Opinion| Privacy Policy|Sports|Somali Music|Somali Map All Rights Reserved Copyright. © 1999-2025, www.hiiraan.com