Dhallinyaradu waa in ay silsiladaha iska furaan, oo awooddooda la soo baxaan
Dhallinyaradu waa in ay silsiladaha iska furaan, oo awooddooda la soo baxaan
Homepage   /    sports   /    Dhallinyaradu waa in ay silsiladaha iska furaan, oo awooddooda la soo baxaan

Dhallinyaradu waa in ay silsiladaha iska furaan, oo awooddooda la soo baxaan

🕒︎ 2025-10-27

Copyright hiiraan

Dhallinyaradu waa in ay silsiladaha iska furaan, oo awooddooda la soo baxaan

Hiiraan Online Today from Hiiraan Online: Somali Music Dhallinyaradu waa in ay silsiladaha iska furaan, oo awooddooda la soo baxaan FacebookFacebook messengerTwitterWhatsAppLinkedInTelegramEmail By Abdirahman Abdishakur Warsame Saturday October 25, 2025 Dhallinyaradii way ka aaminbaxeen dawladda, waxayna dareensan yihiin in codkoodu aanu qiime ku fadhiyin oo riyadooda aan la rumaynin. Haldoorkii siyaasadeed ee dalka waxay lumiyeen fursado badan, waxayna naxuusiyeen aaminaaddii shacabku ku qabay. Waxay dul fadhiyaan nidaam dawladeed oo fadhiid ah, kaasoo dantooda u adeega, inta badanna iskuma hawlaan isbeddel iyo waxqabad ku aaddan baahida asaasiga ah ee bulshada, si gaar ah dhallinyarada oo ah tirada ugu badan dadkeenna. Dhallinyaradu waxay ka quusteen isbeddel, waxayna isu dhiibeen qaddarka. Waxay isku dayeen in si ka baxsan siyaasadda ay mustaqbalkooda u maareeyaan. Laakiin, waxay ilowsanyihiin in siyaasaddu tahay tan mugdiga gelisay masiirkooda, aayahooda laga jaangooyo. Haddii ay dibada ka istaagaana waxay fursad siinayaan in mustaqbalkooda ka taliyaan kuwa siyaasadda ugu loollamayo danaysi shakhsi ah, in ka badan aragti iyo fikir, iyo waxqabad horumar keena. Jiilka maanta nooli aad ayey kaga fursado badan yihiin, uga aqoon badan yihiin, ugana badiyaan adeegsiga tiknoolojiyadda facii iyaga ka horreeyey. Waxay ku koreen adduun suurtagalladu badan yihiin, laakiin waxay u dabran yihiin dal la hortaagan yahay in fursadihiisa laga faa’iideysto. Dib u qeexidda awoodda Si isbeddel loo hoggaamiyo, waxaa waajib ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dib u qeexaan macnaha awoodda, ayna fahmaan in aysan awooddu ahayn oo keli ah mansab, lacag, ama hub. Awooddu waa kartida abaabul ee lagu xaqiijinayo yoolka. Waa fikirka iyo qiyamka oo ficil loo beddelo, iyo natiijada oo la qaabeeyo, halkii loo hoggaansami lahaa. Awoodda waxaa lagu yeeshaa abaabul, iskuxirnaan iyo hawlgal hadaf wadareed leh. Ma ahan wax la isi siiyo, ee waa mid la kasbado. Guushu waxay ku xiran tahay hadba sida looga miradhaliyo xiriirka ka dhexeeya baahida, hantida, iyo awoodda: 1- Baahidu waxay qeexdaa waxa ay tahay in la beddelo. 2- Hantida dhabta ah ee aynu haysannaa waa xirfadda, abaabulka, waqtiga, iskuxirka, iyo aqoonta. 3- Awooddu waxay imaanaysaa markii aan isla heshiisiinno qodobka kowaad iyo labaad, oo ah baahida aan qabno iyo hantida aan haysanno. Dhallinyaradu haddii ay isu abaabulan qiyam ay wadaagaan, sida caddaalad, karaamo, sinaan, iyo xorriyad; kana faa’iidaystaan hantida ay haystaan oo ah xirfadda, aqoonta, waqtiga, iskuxirka, abaabulka iyo tamarta, waxay u beddeli karaan awood ay hadafka ay doonayaan ku xaqiijiyaan. Sidaas ayey bulshooyinku ku noqdaan kuwo awood leh, sidaas ayeyna isbeddelka ku dhaliyaan. Quus mise rejo Ummad kastaa waxa ay leedahay cudurro bulsheed oo u gaar ah. Waxaynu u baahannahay in aynu dhaliil togan oo geesinnimo iyo daacadnimo leh ku wajahno cudurrada ina hagaasiyey, innaga oo aaminsan in aynu dawayn karno. Qabyaaladda, gobolaysiga, iyo kooxaysiga diineed, amniga aan xididdo adag ku taagnayn, musuqmaasuqa, iyo sinnaan la'aantu waxay dhaawaceen ruuxdeennii bulsho, waana biyaha calawsan ee ay ka kalluumaystaan hurwaynta siyaasadeed ee fashilan, argagexisaduna ku baraarto. Bulshadii aan wacyi lahayni way is dhiibtaa, wacyi aan rejo abuuri karaynna quus ayuu keenaa, haddii se ay dhallinyaradu si wadajir ah u gilgilaan carshiga caddaaladdarada waxa hubaal ah in isbeddelku imanayo, sababtoo ah quustu wax ka beddeli mayso xaaladda jirta. Hadafku waa in uu cad yahay Dhallinyarada Soomaaliyeed waa in aan laga dhaadhicin in aysan waxba qaban karin, sababta oo ah lama sheegin isbeddel iska dhacay. Kuwa suga in cid kale ay xaaladdooda wax ka beddeshaa way ku hungoobaan. Isbeddelku wuxuu ka bilowdaa in aragtida iyo fikirku isbeddelo, oo aanu garawsanno in hoggaanku yahay fikir, hal'abuur, iyo karti isbeddel-dhalin, ee uusan ahayn xil, shaqo, iyo hanti la urursado. Jiilkiinnu waa in uu dhiso dhaqdhaqaaqyo ku qotoma qiyam, ee aan ku dhisnayd qof; ku qotoma fikir, ee aan ku qotomin danaysi. Waa in aynu baranno sida wax loo abaabulo, sheekadeenna u tebinno, istiraatiijiyad u samaynno, u hawlgallo. Ma aha in aynu cabasho keli ah samaynayno, ee waa in aynu isbeddel curinnaa. Waa in aynu fahanno in awooddu tahay hantida aynu haysanno ee ah xirfadda, aqoonta, waqtiga, iyo tamarta oo la abaabulo la iskuna xiro. Angela Davis sida ay ina xasuusinayso “xorriyadu waa halgan joogto ah." Halgankuna quus ma aha, ee waa qiimaha horumarka. Jidku waa horteenna Hawsha ina hor taallaa ma aha mid siyaasadeed oo keli ah, ee waa mid akhlaaqeed iyo mustaqbal jiil oo idil. Waa in aynu iimaankeenna ku sugnaa in aan danta guud u hawlgalno, dhisnaa iskaashi ka guda-baxsan koox, gobol iyo qabiil. Ma ahan in aan aqbalno in qabiil iyo deegaan naloo kala qaybiyo, si awooddeenna ummadeed loo kala dhantaalo. Dhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwa had iyo jeer loo sheego in ay rejadii dalka yihiin, waana kuwa ugu horreeya ee dhibbanaha u ah fashilka siyaasadeed. Waxaa la joogaa xilligii ay noqon lahaayeen kuwa ugu horreeya ee hoggaamiya. Mustaqbalkeennu kuma xirna waqtigii inaga lumay. Laakiin, waxa uu ku xiran yahay waxa aan diyaar ula nahay ee si wadajir ah ugu dhisaynno. Opinion| Privacy Policy|Sports|Somali Music|Somali Map All Rights Reserved Copyright. © 1999-2025, www.hiiraan.com

Guess You Like